Baarlamaanka Galmudug oo goordhow doortay Madaxweyne Cusub

0

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta madaxweyne u doortay   Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka mid ahaa musharrixiintii u tartamaysay kursigaasi.

Doorashada oo ka dhacdaay magaalada Dhuusamarweeb  ayaa wareegii  koowaad  wuxuu Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor helay 66 cod isagoona  ka adkaaday  sedex musharax ee kale, kuwaasi oo lagu kala magacaabo.

1) Axmed Shire Maxamed 1

2) C/laahi Axmed Samatar    9

3) C/raxmaan Aadan Sabriye     1

4) Axmed Cabdi Kaariye           66

Waxaa markiiba magaalada ka billowday dabbaaldegyo lagu taageerayo madaxweynaha la doortay Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor.

Waxaana goordhow la filayaa in la guda galo doorashada madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug, kaasi oo u tartamayaan

1) Axmed Yuusuf Warsame

2) Cali Daahir Ciid

3) Saadaq C/laahi Xaaji Xaashi

4) C/qani Sh Cali Diini

5) Maxamed Xaashi Cabdi