Akhriso:-Hay’adda socdaalka oo war ka soo saartay dib u dhac mar kale ku yimid bixinta baasaboorka

0

Waxaa mar kale dib u dhac uu ku yimid bixinta baasaboorka Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya.

Qoraalka hey’adda ayaa lagu sheegay in isbedal uu ku yimid waqtigii ay horay u shaacisay oo ahaa in todobaad dib loo dhigay qabashada codsiyada baasaboorka, iyada oo sababta ku sheegtay inay sameyneyso howlo dib u habeyn iyo horumarin intaba.

Sidoo kale hey’adda ayaa war-saxaafadeedkan ku shaacisay in Khamiista soo socota ee todobaadkan la billaabayo bixinta baasaboorka.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay dulqaad

Hoose ka akhriso fariinta hay’adda

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

“Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo” sida lagu yiri qoraalka Hay’adda.