DHAGEYSO:-Dedaalo Xal-Raadin Ah Oo Ka Socda Caasimada Galmudug

0

Gudoonka baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in uu wado dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan magaalada Dhuusamareeb.

Xasarada ayaa ku saabsan tabashooyin ka dhashay doorashada madaxtinimada oo ay ku kala qeybsameen dowladda iyo Ahlu Sunna.

Wararka ayaa sheegaya in guddoonka Golaha Wakiilada maamulkaas ku howlan yahay sidii xal waara loogu heli lahaa cabashadaas.