DAAWO:-Garabka Xaaf oo Gaalkacyo ku doortay Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne kuxigeen

1

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in garabka uu hoggaaminayo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa doorasho ay qabsadeen waxay ku doorteen Madaxweyne kuxigeen iyo Guddoomiye Baarlamaan.

Howsha ka socotay Gaalkacyo ayaa aheyd mid aad isha loogu hayay, loona arkayay saamiley siyaasadeed oo garab kale oo Galmudug ah ayaa waxay maanta ku doorteen Guddoomiye Baarlamaan oo loo doortay Xareed Cali Xareed, halka Madaxweyne kuxigeen loo doortay Sheekh Ibraahim Guureeye.

Sidoo kale waxaa ay isla garteen in Madaxweyne Xaaf uu sii ahaado Madaxweynaha Galmudug, iyadoo doorashada ay ku qabteen garabkan Hotel ku yaala Koofurta Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaalo uu Maamul ugu dhisayay Galmudug, isagoo sheegay in howsha ka socota Dhuusamareeb aanay sharci aheyn, isla markaana ay dowladda Federaalka afduubatay howshii maamul u sameynta Galmudug.

Comments are closed.