DAAWO:- Axmed Madoobe, Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Gaas, Xuseen Xalane, Maxamuud Jabiye M deni oo Nairobi ku kulmay

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Nairobi kaga qayb galay xaflad lagu soo dhoweynaayey isaga iyo weftigiisa.

Xafladda soo dhoweynta ah ayaa waxaa soo agaasimey Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane, waxaana Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

HOOS KA DAAWO.