AKHRISO:- Puntland oo soo bandhigtey Khamri iyo Xashiish howlgal lagu qabtey

0

Taliska Booliska gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay Maanta duleedka Magaalada garoowe waxaa ay ku gubeen maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishka,kuwaas oo lagu soo qabtey howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Garoowe.

Goobta Khamriga lagu gubey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale,kuwaas oo goobta ka jeediyey hadalo kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Booliska Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah dadka ka ganacsada iyo kuwo isticmaala,isla markaana marnaba aysan aqbaleyn.

Sidoo kale waxaa ay digniin u direen dadka caadaystay in ay gudaha Puntland soo geliyaan daroogada noocyadeeda kala duwan,waxaana ay sheegeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto ka Ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha.