Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar oo is casilay iyo Amiirka oo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub

0

Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa iska casilay xilkii Ra’iisul Wasaarenimo ee dalkaas sida ay shaacisay wakaalada wararka ee dalka Qatar.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa aqbalay is casilaada Sheikh Abdullah Bin Naser oo ka mid ah qoyska xukuma dalka Qatar.

Wakaalada wararka ee Qatar ayaa soo warisay in Amiirka uu u magacaabay Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar.

Ra’iisul wasaaraha is casilay Sheikh Abdullah Bin Nasser Al Thani ayaa ahaa 61 sano jir, waxaa uu xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay 26 June 2013, isagoo laga soo bilaabo sanadkii 2005 illaa 2013 ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Qatar.

Qoyska Boqortooyada Qatar ayaa inta badan leh dhaxalka xilalka ugu sareeya ee dalkaas, iyadoo Amiirka uu ku soo magacaabo Digreeto.