DHAGEYSO+SAWIRRO:-Faah Faahin Dab ka kacay bankiga dhexe ee Somaaliya

0

Dab geystay khasaaro hantiyeed ayaa xalay waxaa uu ka kacay xarunta Bankiga Dhexe Soomaaliya ee Sil-Silad weyne, kaasi oo ku yaala degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Gaadiidka gurmadka ee dab damiska  ayaa ku guuleystay daminta dabka, waxaana la sheegay in dabka uu ka dhashay koronto sida ay warbaahinta u shegeen dad goobta joogay

Masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka Amniga Iyo saraakiil ciidan ayaa tagay goobta uu dabka ka kacay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqda Muqdisho oo warbaahinta kula hadlay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in lagu guuleystay daminta dabka, isagoona u mahadceliyay waaxda gurmadka ee dab damiska ee maamulka gobolka Banaadir.