DHAGEYSO:-Madaale”Xamar dhagax waa dhaaftay, in Ganjeelo lagu xiro ayay maraysaa”

0

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Shiikh Yuusuf Xuseen Madaale oo wareysi siiyay KNN ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga sii dartay culeyska saaran dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha magaalada Caasimada ah Muqdisho.

Guddoomiyaha  ayaa xusay in xirnaasha waddooyinka haatan looga sii daray, islamarkaana dhagxaantii waddooyinka la dhigay lagu bedaly Ganjeelo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa ka soo baxa dekedda Muqdisho ay ku qaadato in uu tago suuq Bacaad ama Bakaaraha mudo saddex maalmood ah,taasina ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka laga dhaxlay jidadka ay xirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.