Musharax iska diiwaan geliyay Guddiga doorashada Galmudug

0

Axmed Cabdi Kaariye oo loo yaqaano Axmed Qoor Qoor Musharaxa Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta iska diiwaan geliyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ee kala qeysbamay.

Guddiga 8-da xubnood ee uu taageersanaa Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa sii waday howsha diiwaan gelinta Musharaxiinta, iyadoo uu taagnaa khilaaf ka dhashay hannaanka doorashada iyo kala qeybsanaanta Guddiga dhexdiisa ah.

Axmed Qoor Qoor oo ah Musharaxa ayaa iska diiwaan geliyay Guddiga Doorashada ee 8-da xubnood ah, iyadoo la siiyay shahaadada Musharaxnimo.

Dhinaca kale waxaa 5-ta xubnood ee ka go’ay Guddigii doorashada 8-da ahaa ay iyana wadaa diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana muuqata jawi kale oo Dhuusamareeb kaga suura geli karto doorasho labaad.