Guddoomiye Mursal oo la kulmay dhiggiisa Burkiina Faso

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Ouagadougou ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso ayaa waxaa uu la kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Alassane Baka Sadandé.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen inay ka geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in galbeedka Afrika ee Purkina Faso Caasimadiisa Ouagadougou (Wagadhugu) ka furmo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.