Diiwaan gelinta Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo maanta ku eg

0

Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu  sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

Musharixiinta Galmudug ayaa walaac xoogan ka muujiyay qaabka ay dowladda u wado doorashada madaxweynaha iyo ku xigeeenka Maamulkaasi.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa sidoo kale soo dhoweeyay hanaanka uu ku socdo dhismaha Galmudug, iyaga oo uga mahad celiyay dowladda dadaalada ay ku bixineyso dhismaha Maamulka Galmudug.

lama oga sida uu noqon doono xaalka maamulka Galmudug.