Daacish oo Dhaqdhaqaaq Cusub oo ka Bilowday Gobolka Bari

0

Wararka laga helayo degaannada ku teedsan buuraleyda degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay dhaqdhaqaaqyo cusub ka wadaan malayshiyaad ka tirsan Daacish ee ku sugan buuraleyda degmadaasi Qandala.

Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa ku warramaya in Ciidamo ka tirsan Daacish lagu arkay tuulooyin hoos yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari, kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah.

Kooxda Daacish ayaa horay mar u qabsatay degmada Qandala 26-kii October 2016, balse ciidamada difaaca Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi Qandala 7-dii December 2016.

Ciidanka Daacish ayaa dadka deegaanku sheegeen in ay ku suganyihiin dhulka buuraylada ah hayee mararka qaar ay u soo baxaan dhulka miyiga ah ee ku teedsan degmada Qanda.

Dilkii ugu dambeeyay ee Daacish ka fulisay magaalada Boosaaso 21-kii bishan January 2020, waxay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha Amaanka ee Maamulka Puntland ee looga hadlay dhaqdhaqaaqyada ciidanka ee Daacishta Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa ay Daacish bilowday ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan maamulka Puntland uu ku suganyahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Layrarka Cadceeda ku shaqeeya.