Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay inay gabogabo mareyso xero lagu xareynayo xoolaha dhex socda magaalada

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xoolaha dhex socda waddooyinka Muqdisho lagu xareynayo xero ku taal Kawaan bare, iyadoo ay heer gabogabo mareyso dhismaha xeradaas.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay Xeradaas oo lagu magacaabo Baadi-qabad lagu xareyn doono xoolaha iska dhex socda magaalada ee dhibaatada ku haya bilicda magaalada.

“Xero la yiraah baadi-qabad ayaa dhismo ka wadnaa oo hada gabogabo ah, xeradaas waxay ku taal kawaan bari, xeradaas marka xariga laga jaro ayaa muddo u qaban doonaa dhammaan xoolaha magaalada ku jira waa ka saareynaa, xeradaas lagu xareyn doonaa”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in xoolaha dadka leh ee magaalada ku soo daaya ee  laga saarayo magaalada, lana geynayo xeryadaas.

Maamuladii hore ee Gobolka Banaadir ayaa digniin dhowr ah oo ay soo saareen oo ku saabsan xoolaha magaalada iska dhex socda, waxaana dhaqan geli waayay amaro dhowr ah, waxaana haddii xeradan la hirgeliyo ay keeni doontaa in meesha ka baxo xoolaha sida macno darada ah magaalada la isaga sii daayo ee waddooyinka dhex socda.