DHAGEYSO:-Xiisad Xoogan Oo Ka Taagan Degmada Baardheere

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Xiisada ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo uu hoggaaminayo guddoomiyah degmada Baardheere ee uu maamulkaasi soo magacaabay, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.