DHAGEYSO:-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Oo War Culus Ku Dhawaaqay

0

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa ka hadlay ciidamo ay dowladda Soomaaliya geysay degmooyin ka tirsan gobolkaas.

Al-Qaadi  ayaa sheegay in ciidamo afduuban todobaadkii hore ay dowladdu ka dejisay degmada Baardheere, balse markii ay ka dagaalameen arinka ciidankaas lagu geeyey Baardheere loo qaaday dhanka degmada Luuq ee isla gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidan kale oo tiro ahaan gaaraya 70 askari ay dowladdu ka dejisay degmada Luuq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidankii ka socday dowladda federaalka ee laga soo celiyey Baardheere.