Al-Shabaab oo dad shacab ah ku toogtay Jubbada Hoose

0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saakay seddax nin ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay iskugu keeneen dad aad u badan iyo xubno sare oo iyaga ka tirsan, kuwaas oo goobjoog ka ahaa fulinta dilka dadkaas.

Labo ka mid ah ragga la dilay Al-Shabaab waxay ku eedeeyeen inay ka kala tirsanaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, hal ruuxa kale oo ahaa nin oday ah ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa ciidanka Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingow ee isla gobolka Jubbada Hoose.

Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray:

1-Muuse Xuseen Siyaad oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta, kaas oo ay sheegeen inay kasoo qabteen wadada u dhaxeysa degmooyinka Walanweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

2-Xuseen Maxamed Cabdi Arsal oo ay Al-Shabaab ku sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanka Baarsanguuni.

3- Falliir Yaroow Cali oo 75-sana jir ah, kaas oo Shabaab sheegeen in uu la shaqeynayey ciidanka Kenya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Hoosingoow  ee Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale marar badan dad ay sheegeen inay xukumeen dil ugu fuliyeen, taas oo wal-wal badan ku abuurtay dadka ku nool deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha dalka.