AKHRISO:- Khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga oo kordhay

0

Madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqanaya gobolkii uu Jimcihii ku dhuftay dhul-gariirka si uu ula kulmo dadkii ku waxyeeloobay.

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay kuwaasi oo intooda badan ku noolaa gobolka Elazig.

Dhul-gariirka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 1200 oo qof.

Shaqaalaha gurmadka ayaa waxaa burburka hoostiisa ka soo badbaadiyeen dad gaaraya 40 qof.

Xukuumadda Turkiga ayaa uga digtay dadka in ay dib ugu laabtaan guryaha burburka uu soo gaaray.

Waxaa sidoo dadka uu dhul-gariirka saameeyay loo qaybiyay Teendhooyiin iyo qalabka kale ee qabowga looga gaashaanto.

Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka.

Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi.

Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaayn daka ku xayitan dhismooyinka buburay.