Tigabu Yilma oo booqday Taliska AMISOM ee degmada Dhooblay.

0

Taliyaha guud ee Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM  Gen. Tigabu Yilma ayaa booqasho Ku tagay degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Tigabu Yilma ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ka socda Dowladda Kenya ee ka howlgalo Gobolka Jubba hoose.

Taliya ayaa kulan kooban la qaatay saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM kuna sugan magaalada Dhoobleey.

AMISOM oo war kooban ka soo saartay booqashada Taliyaha ayaa sheegtay in uu qiimeyn ku sameynayo xaaladda nololeed ee Ciidanka, qorshahooda dagaal ee ka dhanka ah Al shabaab.

Mr Yilma ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidamada Kenya ee Dhoobley ay kaga hortagaan Al shabaab.

Taliyaha guud ee Ciidanka howlgalka midowga Afrika ee AMISOM  Gen. Tigabu Yilma iyo Ciidanka Kenya ayaa waxaa khilaaf soo kala dhexgalay mudii ay socotay doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubbaland oo ciidamo Itoobiyaan ah loo diiday in ay ka dagaan Kismaayo