Faah-faahino ka soo baxaya Aabe wiilkiisa ku gowracay magaalada Jowhar

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Aabe xalay wiilkiisa ugu geystay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Dhacdadaan ayaa timid kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii curadka ahaa uu ku gowracay xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar gaar ahaan halka loo yaqaano Laanta-Faanoole.

Wiilka Aabihiis gowracay ayaa lagu magacabi jiray Ibraahim Cusmaan Ibraahim, kaas oo da’diisa lagu sheegay 14-sano jir.

Wararka ayaa sheegaya in sababta uu Aabahan u dilay wiilkiisa ay aheyd kadib markii uu booqday Hooyadiis oo ay Aabaha kala tageen, taas oo sida la sheegay uu ka carooday Aabuhu.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in wiilka iyo Aabihiis uu dhex maray intii uusan falkaan dhicin, kadibna Aabe Cusmaan uu gowracay wiilkiis oo isla goobta ku geeriyooday, intaas kadibna waxaa halkaas ka baxsaday Aabihii, wallow markii dambe ay ciidanka boolisku soo qabteen.