Dhawr ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday dalka Jarmalka

0

Lix ruux ayaa dhimatay halka kuwo kalana ay dhaawacmeen kadib toogasho ka dhacday magaalo ku taalo koonfur galbeed dalka Jarmalka. Booliiska ayaa sheegay in weerarka kadib laxiray ruux looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay weerarka.

Majirto cadeen ku aadan in uu weerarka ku dhaawacmay ruux kale sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Jarmalka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dadka ku dhintay weerarka ay dhamaantood yihiin xubno isku qoys ah.

Balse majiro cadeemo ku aadan warkan oo laga helay dhanka booliska.

Magaalada uu weerarkan ka dhacay ayaa ah magaalo yar oo ay ku nool yihiin 5,000 oo ruux.