Booliska Hirshabeelle Oo Soo Bandhigay Aabe Wiilkiisa Ku Gowracay Jowhar

0

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay Aabe Wiil uu dhalay xalay ku Gowracay Xaafada horseed ee Jowhar,  isagoona falka kadib goobta ka baxsaday

Taliska Ciidanka Booliska Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta warbaahinta usoo Bandhigay Aabaha Wiilkiisa Gowracay, iyadoona Taliska faahfaahin uu ka bxiyay dilkaas xalay ka dhacay Jowhar.

Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in Aabaha markii uu dilay Wiilkiisa uu magaalada baxsaday uuna aaday deegaan hoostaga Jowhar, hayeeshee markii  dambe ay Ciidanka soo qabteen.

Sidoo kale Taliye Canjeex ayaa waxaa uu tilmaamay in Aabaha xalay saqdii dhexe Ciidanka amniga ay kasoo qabteen Tuulada lagu magacaabo Halgan, isla markaana haatan uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Jowhar.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha ayuu sheegay in Aabaha ay baaritaano ku wadaan, kuwaasi oo la xiriira waxa sababay inuu Wiilkiisa gowraco, wuxuuna xusay inay dib warbaahinta kala soo wadaadi doonaan wixii kasoo baxa baaritaanka.