AKHRISO:- Aabe wiilkiisii si arxan darro ah ugu diley magaalada Jowhar

0

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in nin magaciisa lagu sheegay Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim uu gowracay.

Falkan naxdinta leh oo ka dhacay laanta Faanoole ee xaafada Horseed degmada Jowhar ayaa waxaa isla goobta ku geeriyooday Ibraahim Cismaan oo ahaa 14 sano jir.

Aabaha diley wiilkiisa oo ahaa nin ku xamaasha xooggiisa ayaa baxsaday iyadoo guriga uu falkan ka dhacay ay tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Jowhar.

Lama oga sababta keentay in aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah uu mindi ku dilo,waxaana falkan uu yahay mid ka mid ah falalka naxdinta leh ee soo mara magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.