DHAGEYSO+SAWIRRO:-kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiiada

0
Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Shirkii Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee ka qabsoomay War-dheere, Xeer-Nidaamiyaha Baadhista, Hubinta Tayada iyo Caddaynta dhoofinta Kalluunka iyo qodobo kale.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska dowladda Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey ayaa ka warbixiyey qodobadii shirka kasoo baxay.