DHAGEYSO+SAWIRRO:-Booliska Gobolka Bari oo fashiliyay qaraxyo miino lagu aasay xaafad ka tirsan Boosaaso

0

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay inay fashiliyeen qaraxyo miino kuwa dhulka lagu aaso oo laga helay xaafad ka tirsan Boosaaso, kaddib markii howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska Gobolka iyo kuwa loo yaqaano PSF.

Illaa saddex Miino ayaa laga helay guri ku yaalla agagaarka Masjidka Rashiid ee Boosaaso, waxaana Ciidamada u suura gashay in miinooyinkaas ay soo saaraan.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay markii Ciidamada Amniga ay shacabka ka heleen xog ku saabsan qarax miino lagu aasay xaafadaas, waxaana taasi keentay in Ciidamada soo saaraan miinada, kuwa kale oo lagu qarinayay guri ku dhow masjidka ka soo helaan.

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa horay ugu guuleystay inuu qarxiyo miino la geliyay bartamaha magaalada, kaddib markii shacabka ku soo wargeliyeen.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada amniga ay kordhiyeen howlgalada, xilli uu magaalada ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.