War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Hogaamiyaasha Puntland Iyo Jubbaland

0

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa lagu soo Gab-gabeeyay Shirkii laba maalin u socday dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isla markana ay si wadajir ah u shir Guddoominayeen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Shirkan oo ahaa mid Iskaashi ah ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarka guud ee labada Maamul.

Sidoo kale Shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Siyaasadda dalka, sida Doorashooyinka dalka la filayo inay ka dhacaan sanadkan 2020/2021 iyo  dib u eegista Dastuurka dalka, waxaana ka qeyb galay xubno  ka tirsan Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 16 qodob oo ay isku raaceen maamulada Jubbaland iyo Puntland, isla markaana ay uga hadleen Arrimo dhowr ah.