AKHRISO:- Darawal Gaari Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Nin la sheegay inuu ahaa Darawal.

Dad ku sugan goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ay soo shegayaan in Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu toogtay mid kamid ah Darawalada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka xili uu ku sugnaa halkaas.

Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa Isgoyska Ex-Koontarool ayaa Meydka Marxuumka kasoo qaaday halkaas, waxaana goobta ka baxsaday Askarigii ka dambeeyay Dilkaas.

Ciidanka dowladda Federaalk ayaa dhowr jeer gudaha Magaalada Muqdisho ku dilay dad shacab ahaa iyo dhalinyaro badan oo ku shaqeysan jirtay gaadiidka noocyadiisa kala duwan.