HirShabelle Oo Amar Dul-Dhigtay Hay’adaha Samafalka

0

Wasaaradda Qorsheynta ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa fartay Hey’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Hirshabelle in ay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska Wasaaradda Qorsheynta ugu dambeyn 31-da bishaani janaayo ee sanadkaan 2020-ka.

Wasaaradda ayaa sheegtay iney arrintaan uga gol leedahay dardar gelinta howlaha horyaala sanadka 2020,islamarkaana ay muhiim tahay in la helo tira-koobka saxda ah ee Hay’adaha samafalka ee ka howla deegaanada Hirshabeelle.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii ayaa deegaanada Hirshabeelle waxaa saameyn ku yeeshay Fatahadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle,taas oo Dowladda Federaalka Jawaab deg deg ah ay ka bixisay.