Dowladda Israel Oo Cabsi Al-Shabaab Darteed Uga Digtay Muwaaddiniinteeda In Ay Tagaan Itoobiya

0

Israel waxay ka mamnuucday Ergooyinka Ardaydooda inay booqdaan dalka Ethiopia, kadib, digniino dhanka Amniga oo lagu sheegay cabsi suurto-gal ah inay Alshabaab weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi.

Warbaahinta Israel waxay sheegtay inay Wasaaradaha Tacliinta iyo Arrimaha Dibedda ee Israel soo kala saareen Qoraalo ay ku xuseen inay go’aansadeen inaan wax Ergo Arday ah loo dirin  dalka Ethiopia.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii la hakiyey dhamaan Duulimaadyadda Shirkadaha Diyaaradaha Israel u qorsheysnaa inay sannadkan ku tagaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Hay’adda Israel ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda waxay dhawaan sheegtay inay jiraan cabsiyo suurtogal ah oo lagu waxyeeleyn karo Muwaadiniinta Israel ee ku nool Xuduudka Bariga Ethiopia ee Gobalka Soomaalida.

Waxay kaloo ka digeen in laga yaabo inay weeraradaasi ku sii faafaan gudaha dalka Ethiopia.

Dowladda Israel waxay sheegtay inay Hay’addaha Ammaanka Ethiopia ku guul-daraysteen digniino dhanka Ammaanka oo ay u gudbiyeen, iyadoo bishii April ee sannadkii hore ay dhowr weerar ka dhaceen dalkaasi.