Safiirka Somalia u magacaawdey Austria oo Warqadaha laga guddoomey

0

Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der Bellen ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha dowlada Soomaaliyeed ay dhawaan u Magacaawday dalkaas ee Amb. Ebyan Maxamed Saalad Ladane.

Ebyan ayaa sidoo kale ah Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland iyo Xarunta Labaad ee Qaramada Midoobey ee Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Safiirka Cusub ee Soomalaiya u Magacaawdey dalka Austria Amb. Ebyan Maxamed Saalad Ladane ayaa uga mahad celisey Madaxweynaha dalkaas sida uu u soo dhaweeyey iyo wada-shaqeynta dhex-mari doonta.

Dhankiisa Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der Bellen ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay siwyen ula Shaqeyso Safiirka Cusub ee Soomaaliya dalkaas u soo magacaawdey.