Mareykanka oo eryaya 21 tabarte oo kamid ciidanka Milateriga Sucuudiga

0

Mareykanka ayaa go’aansaday in uu eryo 21 Askari oo katirsan Askar tababar ku qaadanaysay Waddankiisa oo mid ah ciidanka Cirka ee Boqortooyda Sucuudiga kaddib dhacdadii dilka ahayd oo ay ku dhinteen 3 Askari oo Mareykan ah ayna ku dhaawacmeen 8 kale taas oo ka dhacday saldhigga ciidanka Badda Mareykanka ee Pensacola ee gobolka Florida.

Dilka 3 Askari iyo dhaawaca 8da kale waxaa geystay Lieutenant Maxamed Saciid Shamraan oo kamid ah ciidanka Badda Boqortooyada Sucuudiga  oo tababar dhinaca ciidanka ah ku qaadanayey saldhigga ciidanka Badda Mareykanka ee Pensacola, Shamraan ayaa si aan kala-sooc lahayn waxa uu rasaas ugu furay Saldhigga ciidanka Cirka ee Pensacola, isaga oo kahor intii aan la toogan si tarab-tarab ah u geystay dil iyo  dhaawac.

Mareykanku illaa hadda kuma eedeyn saaxiibada kale ee Shamraan in ay ku caawiyeen ama ay wax lug ah kulahaayeen falka dilka iyo dhaawaca ah ee kadhacay saldhigga hayeeshee Wasiirka Caddaaladda William Pelham Barr ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid argagixiso isaga oo intaas raaciyey in Saaxiibada kale ee Maxamed Saciid Shamraan ay haysteen walxo loo qaadan karo Astaamo dagaal iyo sawirro aan ku habboonayn Carruurta.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa hakisay Barnaamijka Tababarka Askarta Sucuudigu ugu timaaddo Mareykanka illaa xilli dambe, Pentagon-ka ayaa sheegay in hakintaasi ay dhaqangal tahay inta laga sameynayo hubin dhinaca nabadgelyada guud ah.

Ronald “Ron guddoomiyaha gobolka Florida ayaa xaqiijiyey in Lieutenant Maxamed Saciid Shamraan uu si qaanuunka waafaqsan uga soo iibsaday gobolka Florida Bastooladda uu ku geystay dilka.