Maamulada koofur Galbeed iyo hirshabelle oo maanta shir uga furmaya Baydhabo

0

Shir u dhexeeya madaxda Maamulka koofur Galbeed iyo maamulka Hirshabelle ayaa maanta  lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Shirkaan oo ay ka qeyb-geli doonaan Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

ammaanka magaalada baydhabo ayaa saakay aad loo adkeeyay, yadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan.