Iiran Oo Ku Hanjabtay In Ay Eryi Doonto Safiirka Ingiriiska

0

Iran ayaa sheegtay Isniintii inay eryi karto safiirka Ingiriiska u jooga Tehran haddii ay jirto faragalin dheeri ah oo ku saabsan arrimaheeda ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhacay dadkii ku dhintay isbuucii lasoo dhaafay diyaaradda Ukraine.

Warkaan ayaa yimid saacado uun kadib markii xafiiska arrimaha dibadda ee UK uu u yeeray safiirka Iran u joogay magaalada London si uu ugu gudbiyo diidmada adag ee la xiriirta xariga kooban ee loo geystay safiirka Ingiriiska ee Tehran Rob Macaire.

Macaire ayaa mudo kooban la xiray habeenimadii Sabtida aan soo dhaafnay meel u dhaw mudaharaad lagaga soo horjeeday masuuliyiinta Iran oo dhacay magaalda caasimada ee Tehran.

Iran ayaa u yeertay safiirka Ingiriiska ee Tehran Mr Macaire Axadii lasoo dhaafay si ay ugu canaanato ka qayb galka mudaharaad sharci darro ah waxayna ka dalbatay xukuumadda London in ay arrinkaas sharaxaad ka bixiso.

Macaire ayaa sheegay in uu ka qeybgalayay munaasabad lagu xusayay 176dii qof  ee ku geeriyooday kadib markii ay Iran si qalad ah usoo riday diyaaradda Ukraine. Waxaana la qabtay nus saac kadib kulankaas.

Xidhiidhka ka dhexeeya Tehraan iyo London taariikh ahaan taariikhdiisu way liidatay, iyada oo Iran ay isbarbar dhigayso Ingiriiska iyo Maraykanka.