AKHRISO:- Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Ceelasha Biyaha

0

Wararka ka imanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay duhurnimadii maanta ay ku dhinteen labo askari.

Labada askari ayaa la sheegay inay ilaalo u ahaayeen injineero Turki ah kuwaasoo ka shaqeynayay dhismaha isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,iyadoo inta badan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye la geliyo miinooyinkaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo sheegaya in Shaqaalaha Turkiyiinta ah ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.

Dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa labo injineer oo Turkey ah waxa ay ku dhinteen qarax ka dhacay Ex Kontarool Afgooye halkaasoo sidoo kale inku dhow boqol ruux oo Soomaali ah ay ku dhinteen.