DHAGEYSO:-Siyaasiyiintii ugu badneed oo gaaray Gaalkacyo iyo qaban qaabada dhismaha maamul kale oo ka bilaawday

0

Siyaasiyiin u badan wasiirradii iyo baarlamaankii hore ee Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay sheegeen inay ka yagleelayaan maamul aan ahayn ka dhismihiisu ka socdo magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha gaaray Gaalkacyo waxaa hoggaaminaya wasiirka waxbarashada Galmudug  Sheekh Ibraahim Guureeye, sidoo kalena soo noqday guddoomiyihii seddxda gole ee ururkii Ahlu-Sunna Waljamaaca.