Maxuu yahay ajendaha kulanka maanta ee golaha Aqalka Sare?

0

Senatarada golaha Aqalka Sare ee baarlamaankla Soomaaliya ayaa maanta waxay yeelanayaan mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa, waxaana faariin loodiray lagu war geliyey inay dhamaantood soo xaadiraan fadhiga golaha Saacaddu markay tahay 9:00 a.m Subaxnimo,

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada,Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Golaha ayaa fadhigoodii shalay waxaa la hor geeyey sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay marsiiyeen akhrinta koowaad, waxaana sharcigaas u dhiman inay marsiiyaan labo akhris oo kale kadibna ay cod u qaadaan.