Xubnaha Aqalka sare ee Puntland oo ka soo hor-jeestay Ansixintii Sharciga Batroolka

0

Xubnaha Aqalka sare ee ka soo jeeda Puntland ayaa ka soo hor-jeestay ansixintii Sharciga Batroolka ee shalay uu meel mariyay Aqalka sare, iyagoo ku tilmaamay ansixintaas qaab boob ah oo sharci darro ah aan waafaqsaneyn xeer hoosaadka iyo dastuurka lagu ansixiyay.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare Senatar Axmed Mashruuc ayaa sheegay in qodob khatar ku ah Hantida Qaranka uu ku jiro sharcigaas, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha in aanu saxiixin sharcigaas illaa laga saxo.

Waxaa uu sheegay in xubnaha Aqalka sare ee Puntland ay isaga baxeen shirka, kaddib markii ay arkeen qaabka lagu wado ee la doonayay in lagu ansixiyo.

“Dhowr qodob oo qaldan oo qaranka Soomaaliyeed Hantidiisa oo  khatar ku ah baa ku jiro oo horay Guddiga Kheyraadka ee Aqalka sare ku guuleystay inuu ka saxo , laakiin waa la hareer maray qodobka ugu muhiimsan waa in awoodda saxiixa Heshiiska Batroolka uu siinayo Wasiirka kaliya, taasna waa qalad, Adduunka oo dhan sharci ama  heshiis kasta oo batrool waxaa ansixiya Baarlamaanada ay leeyihiin marka laga reebo Soomaaliya waxaa bilowday wax cusub in Heshiis ku saabsan boqolaal milyan oo dollar la yiraahdo saxiixiisa waxaa is ka leh Wasiir kaliya”ayuu yiri Senatar Axmed Mashruuc.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo buuq siyaasadeed iyo in loo horseedo dagaalo sokeeye, waxaana uu xusay in sharcigan la ansixiyay uu yahay mid khatar gelin kara dalka, haddii aan wax laga bedelin qodobada qaar oo qaldan.

Senatada Aqalka sare ayaa shalay ansixiyay Sharcigan, waxaana taasi ay ka dambeysay olole ay Xukuumadda u gashay sidii aqalka sare u meel marin lahaa sharcigaas oo horay uga soo gudbay Golaha Shacabka, una ansixiyay.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal badan ugu jirtay meel marinta Sharciga Batroolka oo ka mid ahaa sharciyo Xukuumadda ay si weyn u daneynayay inay ansixiyaan Labada Aqal ee Baarlamaanka, iyadoo dad badan ay durba isku xirayaan galaan-galka Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu jiro arrimaha shidaalka, maadaama horay uu Madax uga soo ahaa Shirkadda Soma Oil and Gas oo sanadkii 2015 xafiiska baaritaanka wax-isdabo marinta culus ee dalka UK uu ku soo eedeeyay musuq maasuq, balse markii dambe loo waayay wax caddeymo ah.