AKHRISO:- Somaliland oo kasoo horjeesatay Shir uu ka qeyb galay Wasiir Cawad

0

Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeesatay shir wasiirrada arrimaha Dibadda waddamada Kulaala Badda cas iyo Gacanka Carabtu ku yeesheen waddanka Sacuudiga.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku taagan tahay mawqifkeedii hore ee ahaa in aanay wax wadashaqayn ah la yeelaan waddamada iskakaashanaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta la dafirayo xuquuqdeeda muhiimka ah.

“Somaliland waa dal madax bannaan dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu qoraalka.