AKHRISO:- Ciidamo huwan ah oo howlgal ka fuliyey Gobolka Jubbada Hoose

0

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoosta Soomaaliya qeybta ka howlgaha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya Howgalka AFRICOM ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay duqeeyay Farisimo ay Xubno ka tirs Al-Shabaab ku leeyhiin deegaanka Caanoole,oo hoostaga Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose.

Saraakiisha howlgalka hogagamineysay ayaa waxaa y sheegeen in deegaanka ay howlgalka ka fuliyeen ay ku sirayeen Xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe,halkaas oo saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen inay dhalionyrao ku tababarayen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo la hadlaya Warbaahinta Dowladda ,ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.