Madaxweyne Waare Oo Kulan La Qaatay Saraakiil Ka Tirsan AMISOM

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidamada Hiil-Walal ee Jabuuti.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Amniga HirShabeelle iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan waxaana kulankaan looga hadlay Barnaamijka nabadda iyo hawlgalada iyo lagama maarmaanimada Isku furida wadooyinka Gobolka Hiiraan.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Waare iyo Saraakiisha AMISOM ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo Isfaham sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyadda Hirshabeelle.