AKHRISO:- Mareykanka Oo Ka Hadlay Weerarkii Al-Shabaab Ee Saldhiga Lamu

0

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Lamu ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in rag hubeysan oo ka tirsan shabaab waaberigii hore ee saakay ay weerareen Saldhiga Camp Simba ee ku yaalla deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Khasaaro kala duwan uu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidanka, inkastoo weli tirada rasmiga ah aan la xaqiijin.

Sidoo kale Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegin in Khasaaro uu ka dhashay weerarka lagu qaaday Saldhigooda ee deegaanka Manda Bay, isla markaana wixii faah-faahin ah ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Dalka Kenya Paul Njuguna ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab ay ka horteegeen, isla markaana ay dileen 4 kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.