Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib u dhiska suuqa Dayax

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Heliwaa.

Dhagax dhigga ka dib guddoomiyaha oo ay la scdeen qaar ka mid ah maamulka gobolka,waxa uu kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay suuqaasi oo horey loogu iibin jiray nuucyada xoolaha , inkastoo uu qeyb ka noqday goobihii danta guud ee ku burburay qalalaasihii dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay bulshada in ay ilaashadaan goobaha danta guud ee muhiimka u ah adeegyada aasaasiga ah.

Dhanka kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay caqabad ku yihiin bilicda Caasimadda,sidaa daradeedna  marka la dhameystiro dib u dhiska suuqaan maamulku uu mamnuuci doono in xoolaha lagu iibiyo goob aan suuqaan aheyn.