AKHRISO:- Korneyl Caare oo Ciidankii & hubkii ku wareejiyey Soomaaliland

0

Korneyl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano Caare ayaa Maanta waxaa uu Ciidamo farabadan oo ka amar qaadanayey iyo hubkii ay wateen waxaa uu ku wareejiyey Xukuumadda Soomaaliland oo ay dagaal kula jirtey Jabhdda uu hoggaaminayey balse uu la heshiiyey.

Munaasabad kooban oo ka dhacday buurta Daallo ee duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayna goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka Beesha uu kasoo jeedo & Xubno kas ocda Xukuumadda Soomaaliland ayaa waxaa uu ku wareejiyey dhamaan ciidamadii ka amar qaadanayey iyo hubkii ay wateen,kuwaas oo horey uga goostay Soomaaliland.

Wada-hadallo bilihii la soo dhaafay ka socday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa shalay la soo geba-gabeeyey,isaga oo la heshiiyey Soomaaliland,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Korneyl Caare uu aadi doono dalka dibadiisa.

Bishii May sannadkii 2018-kii ayuu ka goostay Ciidamada Somaliland Korneyl Caare,isaga oo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee jabhad samyesta,isla markaana dagaal khasaaro geysta la gala Xukuumadda Soomaliland,isaga oo ka caroodey dagaal beeleedyo kusoo laab laabtey deegaanka Ceel-Afweyn.