DHAGEYSO+SAWIRRO:-Saraakiil ka tirsan Shabaab oo looga dilay Shabeellada Hoose

0

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolkaas iyagoo la wareegay tuulooyin dhow ah.

Taliyaha guutada 16-aad ee Danab,  Cismaan Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 20 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la wareegeen gacan ku heynta tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay howlgalladu ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose, waxaana saakay degan xaaladda degaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda.