Khayre Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Saraakiisha Dhuusamareeb

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe ka dagay Dhuusamareeb ayaa xalay kulan la qaatay saraakiisha ammaanka magaaladaasi.

Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa diirada lagu saaray israaseyntii xalay ka dhacday gudaha degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in guddi gaar ah loo saaray shaqaaqadaasi, si ay baaritaan ugu soo sameeyaan, sida ay wax u dhaceen.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee ka wada howlgala halkaasi.