Akhriso:-Madasha Xisbiyada Qaran Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

0

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay kaga tashadeen sidi loo garab istaagi lahaa dadka Soomaaliyeed ee wax ku noqday qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye.

Kulanka Mashada Xisbiyada ayaa looga hadlay sidi taageerayaasha Xisbiyada ku mideysan Madasha iyo Umadda Soomaaliyeed loogu abaabuli lahaa inay doorkooda qaataan Gurmadka.

Shirkan oo uu guddoomiyay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada  Qaran Sh. Shariif  Sheekh Ahmed waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena qodobada looga hadlay waxaa kamid ah aragti ku biirnita sharciga doorashooyinka Qaran oo dhawaan golaha Shacabka uu ansixiyay, loona gudbiyay Aqalka sare.