Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo booqday isbitaalada Muqdisho

0

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday qaar ka mid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho oo lagu daweynayo dadkii maanta ay waxyeelado kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye.

Madaxdii hore ee Qaranka ayaa gurmad ugu baaqay dhammaan bulshadda Soomaaliyeed , waxaana ay sheegeen in dhaawacyadda la geeyay Isbitaallada ay badan yihiin.

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya gurmad xoog leh oo loogu gargaarayo dadka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay saaka Isgoyska Ex Kontrool.

Dhaawacyada la dhigey isbitaalada ayaa waxaa ka mid ah arday ku sii jeeday jaamacadahii ay wax ka baranayeen kuwaasoo gaadiidka ay saarnaayeen marayay isgoyska Ex Kontarol Balcad.