Ammaanka Dhuusa Mareeb Oo Aad Loo Adkeeyay Iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Wajahan

0

Waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug halkaas oo uu ku wajahanyahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad looga dareemayaa magaalada waxaana la adeekayay ammaanka goobaha muhiimka ah ee magaalada Dhuusa-Mareeb,iyada oo shalay gelinkii dambe wefdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha ay halkaasi gaareen.

Marka uu Dhuusa-Mareeb gaaro Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali in uu kulamo qaato Xubnaha Hoggaanka Ahlu-sunna Wal-jamaaca iyo qeybaha kala duwan ee bulshadakala hadlo dhismaha maamulka Galmudug.