DAAWO:-Waxgarad kasoo Horjeestay Jabhada SSC ee dhowaan dib loogu dhowaaqay

0

Magaalada Buuhoodle waxaa Warbaahinta kula hadlay Qaar kamid waxgaradka Beelaha dega Gobolka Cayn, Kuwaasi oo kasoo horjeestay Jabhada SSC ee dhowaan looga dhowaaqdaay duleedka Buuhoodle.

Waxgaradka ayaa sheegay in deegaanku aanu u baahnayn Colaadi iyo dhibaato laga bilaabo, waxayna sheegeen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo horumarka deegaanka ka socda.

Waxay sheegeen inaysan waxba ka ogayn Jabhadda lagu dhowaaqay, islamarkaana aysan Qayb ka ahayn.