AKHRISO:- Hay’adaha Amniga oo qabtay Lacag been abuur ah & dad Watay

0

Ciidamada Ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay inay kusoo qabteen lacago been abuur ah oo lagu haayay Xaafado kamid ah Magaaladaas.

Saraakiil u hadashay Hay’adaha Amniga ayaa waxaa ay sheegeen in lacagtaas oo isugu jirta Dollar iyo Shillin Soomaali lagu qabtay dad watay oo soo geliyey degmada Guriceel kana yimid Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Sidoo kale laamaha Amniga waxaa ay sheegeen in lacagtaan qaarkood lagu dhacay dad Ganacsato ah,sidoo kalena ay jiraan lacag kale oo Magaalada la soo geliyey baadi goobna ay ku hayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer waxaa lagu qabtay dad watay lacago Been abuur (feelso) ah,waxaana dowladda Soomaaliya aysan weli Maxkamad soo taagin dad lagu qabtay lacagahaas.